Allbanaadir.com
NEWS

Qarax lagu dhaawacay siyaasiyiin caan ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay agagaarka Isgooska Beexaani ee degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, waxaana qaraxan lagu soo waramayaa in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay gaari ay la socdeeen Xildhibaan hore Muxudiin Xasan Afrax iyo siyaasiga Xuseen Caraale, waxaana qaraxa uu ahaa mid hareeraha laamiga lasii dhigay.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay afar askari oo kamid aheyd ilaalada siyaasiyiinta la qarxiyay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in qaraxa ku dhaawacmeen labada Siyaasi Muxudiin Xasan Afrax iyo Xuseen Caraale.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa si deg deg ah u gaaray goobta uu ka dhacay qaraxa miino, waxa ayna booliiska halkaasi ka sameeyeen howlgalo baaritaano ah oon la ogeyn natiijada kasoo baxday.

Qaraxyada miino ee ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan noqday kuwa sii badanaya, waxaana inta badan qaraxyadan lala eegtaa gaadiidka ay la socdaan masuuliyiinta iyo ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada labo dil oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Aadan Barre oo Cadeeyay Mowqifkiisa ku aadan Khilaafka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Cabdi Cade

Ogeysiis Muhiim ah oo loo hayo Qurbo joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---