Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Qoor Qoor oo Dib ugu laabtay Dhuusomareeb si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro) 

Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminyay ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada caasimadda ah ee Dhusamareeb oo mudooyinkii lasoo dhaafay uu ka maqnaa.
 
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug , Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug l, qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirada Galmudug, maamulka Caasimadda iyo masuuliyiin kale.
 
Madaxweynaha Galmudug ayaa muddooyinkii danbe safaro shaqo kaga maqnaa caasimadda kuwaas oo uu kusoo kala bixiyay qaar ka mid ah magaalooyinka Galmudug iyo kuwa Dalka.
Qoor Qoor ayaa intii uu ka maqnaa deegaanada Galmudug waxaa ka dhacay weeraro iyo dilal salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana mudooyinkii dambe lagu eedeenayay in uu gabo masuuliyadii uu u dhaartay kuna mashquulay siyaasado kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaramada Midoobay oo kahor timid xukun Dil ah oo Puntland fulisay

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo dad fara badan Salaadii Ciida kula tukaday Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaanada maamulka Hirshabelle oo ku dhegan Madaxweyne Waare

Cabdi Cade
Taboola Ads ---