Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) RW Rooble & madax kale oo Janaaso ku tukaday Meydka marxuum Dhegajuun

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane  Maxamed Xuseen Rooble, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo dadweyne fara badan ayaa ka qeyb galay salaadda Janaazada Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Hodan Marxuun Cabdixakiin Dhagajuun oo lagula tukaday masjidka Isbahaysiga Islaamka, waxaana isla maanta lagu aasay xarunta degmadii uu Gudoomiyaha ka ahaa ee degmada Hodan.

Waxay dhammaantood Eebbe uga baryeen in uu marxuumka jannadii Firdows ka waraabiyo.

Guddoomiyihii degmada Hodan Marxuun Cabdixakiin Dhagajuun ayaa habeen hore ku dhintay rasaas uu furay askari ka tirsan Booliska oo ku sugnaa kontrol ku yaalla isgoyska Howlwadaag, xili gaariga guddoomiyaha uu halkaas marayey.

Dilka marxuum Dhegajuun oo si weyn looga xumaaday ayaa waxaa ka tacsiyadeeyey madaxda DF, iyadoo Maamulka gobolka Banaadir uu magacaabay guddi baaritaan ku sameeya sida uu u dhacay dilka oo sidoo kale loo xiray taliyeyaal ciidan iyo askar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Fartaag oo booqanaya Baqdaad & Ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali

Madaxweyne Cirro oo ku dhawaaway in uu furan yahay Madaarka Berbera (Sawirro)

Cabdi Cade

Diiwaangelinta Musharixiinta Aqalka sare ee Hirshabelle oo Jowhar ka socota (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---