Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo ka hadashay waxa ka jira in ciidamo Soomaali ah ka qeyb galeen dagaalka Tigray

Dawladda Itoobiya ayaa ka hadashay wararka maalmahan dambe la faafinyey ee sheeyaa in Ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ay ka dagaalameen gobolka Tigray.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya Dina Mufti, ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Eritrean ah ka qayb qaateen weerarka lagu qaaday gobolka Tigray ee xukunka looga tuuray TPLF.

“Waxaan aragnay Warar ku saabsan ciidamo Eritrean ah ay kasoo tallaabeen xuduudka Itoobiya, sidoo kale waxaa la isla dhexmarayaa warar la mida oo sheegaya in Ciidamo Soomaali ah ay ka qeyb galeen dagaalka Tigray. labadaas sheegasho waa been buur iyo wax aan sal lahayn” ayuu yiri Dina Mufti.

Waxa uu intaas ku daray in Itoobiya ay milatari ahaan isku filan tahay,  aysana jirin baahi ay u qabto ciidamo shisheeye, isagoo xusay in faafinta wararkaas been abuurka ah laga leeyahay ujeedooyin kale.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xili maalmihii la soo dhaafay ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay dalka Eritreya laga qeyb galiyey laguna laayey qaarkood dagaalka gobolka Tigray, iyadoo waalidiin badan uu walaac badan ku abuuray warkaas, iyagoo dalbanaya in caruurtooda nolol iyo geeri meel lagu sheego, inkastoo DF ay beenisay in ciidamo Soomaali ah ay ka qeyb galeen dagaalka Tigray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo lagu dhaliilay qaabka uu uga hadlay Mashruuca Baxnaano

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo fariin muhiim ah u diray dhalinyarada Soomaaliyeed

Caydiid Ali

Weerar lagu dilay Maamulayaal Iskuul oo caawa Muqdisho ka dhacay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---