Shacabka Colombiya ayaa u dareeray doorasha dalkaas ka qabsoonto mudda 50 sano oo uu dalku ka socday dagaal sokeeya kaddib.
Dhibaatooyinka ka taagan Kolombiya sidi ay u soo afjarmi lahayd ayaa ahmiyadda lagu siiyey doorashada.
Musharrixiinta ayaa waxay u ololeeynayaan la dagaallanka sinnaan la’aanta iyo musuqmaasuqa dalka ku baahay, arrintaasi oo safka hore inuu loollanka ka galo u sahashay musharraxa siyaasaddiisu dhanka midigta tahay ee Gustavo Petro.
Gaar ahaanna waxaa qodobbada uu ku ololeynayo Petro waxaa si weyn u soo dhaweeyey jiilka cusub ee dhalinyarada u badan ee la jah wareersan siyaasadda dalkooda.
Siyaasiga kale ee loollanka doorashada safka hore kaga jira Ivan Duque ayaa sheegay cid kasta oo ku guuleysata doorashada iney ku qasbanaaneyso iney qaaddo tillaabbo ay wax kaga beddeleyso xaaladda dalka si dalku ay mustaqbal wanaagsan ugu sameeyaan.
Waxyaabaha ka soo ifbaxaya codbixinta doorashada waxaa la saadaaliyey iney wareegga koobaad isugu soo hari doonaan Duqeo iyo Petro iyaga oo la filayo iney helaan codad isku dhow.
Doorashada kama dambeysta ah ee musharraxa guuleysta lagu ogaanayana waxay dhaceysaa bisha June ee soo socota.
Dalka Kolombiya mudda nus qarni ah waxaa ka socday dagaalla sokeeya oo ay ku dhinteen boqollaal kun oo qof, tani iyo marki xabbad joojinta la gaaray waa doorashadii ugu horreysay oo dalkaas ka dhacda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com