Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa galabta casar gaabadkii ku dilay magaalada Muqdisho Nabadoon caan ah.
Nabadoonkan oo magaciisa la oran jiray Shiikh Saleebaan Abiikar Fooldheere ayaa waxaa lagu dilay xaafada dabaqeynka oo ka tirsan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in labo nin oo bastoolado ku hubeysan ay geysteen dilka nabadoonka, kuwaasoo markiiba goobta ka baxsaday.
Wararka qaar ayaa sheegaya in nabadoonka uu ka mid ahaa ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Baarlamanka federaalka Somalia.
Dilalka ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayaa soo kordhay tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana dikalkaas intood badan sheegtay Al-shabaab iyo Daacish.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com