Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiyihii Degmada Hodan oo la dilay kadib markii uu Muqdisho kusoo laabtay

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay Guddoomiyihii Maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdi Karim Dhagajuun kadib markii rasaas culus ku fureen gaarigii uu la socday.

Sida aan wararka ku helnay Gudoomiyaha ayaa lagu dilay Xalay Saqdii Dhaxe Isgooska Jid Mareexaan ee degmada Howl-wadaag , waxaana la sheegay in rasaas ku fureen gaarigii ciidamo booliis ah oo Isgooskaasi ku sugnaa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban isgooska Jid Mareexaan ku dhax maray ciidamada booliiska iyo ilaalada Gudoomiyaha degmada Hodan ayna haleeleen Gudoomiyaha rasaastii booliiska gaarigiisa lala beegsadeen.

Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdi Karim Dhegajuun ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho uu bilooyin ka maqnaa, waxa uuna howlo caafimaad u aaday dalka Turkiga kadib markii uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa durba bilaabay baaritaano ku aadan dilka Gudoomiyihii degmada Hodan, waxa ayna ciidamada xireen qaar kamid ah ciidamadii ka howlgalayay isgooska Jid Mareexaan ee dilka Gudoomiyaha ka dambeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jeneraal Xuud oo ka hadlay Safarka Cali Guudlaawe ku tagayo Baladweyne Hanjabaadna diray

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo dilay xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade

Dil si weyn looga carooday oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---