Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Qoor-qoor oo tababar u xiray ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta tababar usoo xiray ciidanka Daraawiishta Galmudug ee ku sugnaa xerada Dhaan karoone ee duleedka magaalada Galinsoor.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa noqonaya dufcadii sedexaad oo soo qalin jabisay kadib tababar socday muddo dhowr bilood ah.

“Ciidamadan ayaa qeyb ka noqon doona howlgalada ay wadaan ciidamada kala duwan ee qalabka sida ee baacsanaya kooxaha argagaxisada ah laguna sugayo amniga  deegaanada Galmudug” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-qoor.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa ku soo beegmay xili Al-shabaab ay xoojisay weerarada iyo qaraxyada ay ka fuliso degaaanada hoostaga, lamana oga waxa ciidamadan ay ka bedeli karaan amni darada ka taagan degaanadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Jeyte: “Wejiga labaad ee howlgalka sifeynta Al-shabaab waa bilowday” (Sawirro)

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Wakiillo ka socday dowladda Norwey (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka XDS oo qarxiyey miinooyin lagu aasay duleedka degmada Balcad (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---