Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia oo lacag lagu yeeshay awgeed ku weyn doonta cod heer caalami ah

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in sagaal dal oo Afrikaan lagu leeyahay lacagaha ay bixiyaan dalalka xubnaha ka ah UN-ka

Sagaalkan dal ee bixin waayey lacagaha QM ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya sida ku xusan Warbixinta UN-ka.

Wadamadan ayaa laga doonayaan inay bixiyaan lacagaha lagu leeyahay, Soomaaliya waxaa lagu leeyahay $1,443,640.

Waddamada kale ee loo heysto lacagta waxaa kamid ah Iran oo laga rabo inay bixiso $16,251,298, Congo $90,844, Zimbabwe $81,770, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika $29,395, South Sudan $22,804,Niger $6,733 , Comoros $871,632, Sao Tome and Principe $829,888 iyo Libya oo la doonayo inay bixiso $705,391.

Lacagahan lagu leeyahay awgood ayey QM sheegtay iney meesha ka baxeyso xuquuqdooda dhanka codeynta ah ee Qaramada Midoobey waa haddii ay bixin waayaan lacagta laga qaado dalalkaas ee loogu talagalay in lagu kaabo miisaaniyadda howlagalka Qaramada Midoobey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday deegaan uu ku sugnaa Xildhibaan Jeesow

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in afhayeenka Al-Shabaab lagu dhaawacay Weerar ka dhacay Sh/hoose?

Caydiid Ali

Labo Ruux oo Caawa lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

admin
Taboola Ads ---