Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kumandoska Danab oo degaan cusub kala wareegay xoogaga Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidamada Kumaandoska Danab ururka 6aad ee Xoogga  dalka ayaa howlgal ballaaran kula wareegay degaanka Shabeellow oo 20-km u  jira degmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Iska horimaad kooban ka dib xoogaga Al-Shabaab ayaa isaga cararay goobtii lagu dagaalamay, iyadoo wararku sheegayaan in dadka reer Bacaadweyne qaarkood ay ka qeyb qaateen howlgalkaas.

Saraakiisha Danab ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalka Al-shabaab ilaa ay ka saaraayaan dalka oo dhan.

Maalmihii la soo dhaafay Galmudug ayaa ciidamo badan geysay koonfurta gobolka Mudug si looga hortago Al-shabaab oo mudooyinkan xoojisay weerarada ay ka wado gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo soo saaray Wareegto uu ku cayimay Qabsoomida Doorashooyinka

Cabdi Cade

Ciidamada AMISOM oo maanta dad shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Tiro Madaafiic ah oo goordhaw lagu garaacay Madaxtooyada Soomaaliya

admin
Taboola Ads ---