Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Shariif oo ka hadlay sida xal loogu heli karo khilaafka ka taagan doorashada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa nasiib darro ku tilmaamay in doorashooyinka dalka ay ka dib dhacaan waqtigooda.

Waxa uu muujiyey rajo ku aadan in dalka ay ka qabsoonto doorasho xor ah, isagoo hoosta ka xariiqay in dalku u baahan yahay xasilooni iyo nabad, ayna tahay in laga dhowrsado qalalaase siyaasadeed iyo dib u dhac aan loo baahneyn.

Sheekh Shariif ayaa ku baaqay in la dhigo gogol nabadeed si heshiis wada ogol ah looga gaaro arrimaha doorashooyinka, isagoo xusay in xiligan ay aheyd iney socdaan doorashooyinka balse ay nasiib daro tahay ineysan taasi dhicin.

“Waxaa la is weydiiyaa haddii la gaaro 8-da Febraayo maxaa dhacaya, rajadeenu waa in ka hor ay dhacdo Doorashada dalka iyadoo laga heshiinayo waxyaabaha la isku heysto” ayuu yiri yiri Shariif Sheekh Axmed.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo muddo xileedka baarlamanka uu dhacay 27-kii December, halka madaxweyne Farmaajo ay u hartay wax ka yarsaddex toddobaad.

https://www.youtube.com/watch?v=YOol2okf0yc

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo ka hadlay xiisada dagaal ee u dhaxeysa Khaatumo iyo Somaliland

Cabdi Cade

Wadaado diiday in ay Wax ka sheegaan Ikhwaanul Muslimiin oo shaqada laga joojiyay 

Cabdi Cade

(Xog cusub) Qoorqoor oo ku fashilmay abaabul uu ka waday Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---