Warbaahinta iyo baraha bulshada waxaa saacadihii lasoo dhaafay qabsaday war ku aadan in dagaalkii ka dhacay gobolka Tigrey lagu laayay ciidamo badan oo Soomaali ah oo dowlada horey tababar ugu dirtay dalka Eritrea.
Dowlada Soomaaliya ayaana wali ka hadlin warkan ku saabsan in boqolaal askari oo Soomaali ah lagu dilay dagaalka ka socda gobolka Tigrey, lamana oga xaqiiqada dhabta ah ee jiritaanka warkan la baahiyay.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay in dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea dagaal loo geeyay dalka Itoobiya halkaasna lagu laayay qaar badan oo kamid ah.
Waxa uu ugu baaqay Xildhibaanka Midowga Musharaxiinta, Xildhibaanada golaha shacabka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed in gacan ka siiyaan baadi goobka dhalinyarada lagu laayay dalka Itoobiya waalidiinta dhalay oo aad uga walaacsan noloshooda.
”Waa arin aad u foolxun, murugo iyo uurkutaalana ku beertay ehelada caruurtooda lagu xasuuqay dagaalka Itoobiya ka holcaya. Waxaan ugu baaqayaa Musharaxiinta, Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka iyo Siyaasiinta in gacan la siiyo waalidiinta caruurtaas dhalay oo lala baadi-goobo caruurtooda nolol iyo geeri mid uun!” ayuu yiri Xildhibaan Mahad.
Dagaalka ka socda gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay in qaab qasab ah lagu galiyay in ka badan 3-kun dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo dowlada federaalka tababar u geesay dalka Eritrea, waxaana dagaalka la sheegay in boqolaal Soomaali ah ku dhinteen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com