Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xaaf oo digniin adag hawada u mariyey Madaxda dowlada federaalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa dowladda Federaalka uga digay inay farageliso Maamulkiisa.

Xaaf ayaa sheegay in Galmudug iyo Ahlusuna ay midoobeen ayna hal maamul isku yihiin isagoo saxay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia ee ahaa inay wada arkeen Ahlusuna iyo Galmudug.

“Wasiirka Arrimaha Gudaha waa run waa wada aragnay, waa balanay wuxuu noo qabtay labo berri kaddib inuu war ku keenayo, balse dib dambe nooguma soo laaban, sidaas ayaana keentay inaan isaga tagno”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

dowladda Federaalka ayuu uga digay inay sameyso faragelin la mid ah tii dhacday 8 bilood ka hor, isagoo xusay in go’aanadii ka soo baxay shirkii Madaxda Iskaashiga dowlad goboleedyada uu ka mid ahaa in dowladda Federaalka ay joojiso faragelinta maamul goboleedyada

“Galmudug waa xor, baarlamaan bay leedahay, wixii go’aano ah iyadaa gaareysa, cidii shaqsiyaad oo banaanka istaageysa ayaga ayay u taallaa, anaga cidna ma fogeyno, waa soo dhoweyneynaa”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Hadalka Xaaf ayaa ku soo aaday xili maamulka Galmudug uu mar kale ka dhex dilaacay khilaaf xoogan, madaxdii maamulkaasna ay u kala jabeen labo garab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo xabsiga loo taxaabay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan loo diiday in ay ka dhoofto garoonka Aadan Cadde iyo cida ka dambeesay

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo Safar dhulka ah ku tagay Deegaanka Baxdo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---