Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo looga dhawaaqay degaanada Galmudug

Dowlad gobolleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah xoogagga Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah degaanada Maamulkaas.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya oo isugu jira kuwa militariga iyo nabadsugida iney diyaar u yihiin inay Al-shabaab ku weeraraan degaanada ay hadda gacanta ku hayso.

Fiqi oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ku sugnaa degaano hoos-taga degmada Hobyo ayaa shalay maanta difaacyada hore ee ciidamada Galmudug kaga jiraan aagga Bacaadweyn iyo Cimaamad.

Al-shabaab ayaa bilihii ugu danbeeyay xoojiyey weerarada ay ka wadaan bartamaha Soomaaliya, iyagoo qaraxyo ku laayey saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, khal khal xoog lehna geliyey degmooyin iyo degaano nabdoonaa oo ay weeeraro ku soo qaadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tartanka Kubada cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo galabta furmay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan ka hadlay xaqiiqada dhabta ah & halista ka dambeysa dibad-baxa Mucaaradka

Caydiid Ali

Qarax Khasaare nafeed geystay oo ka dhacay duleedka degmada Afgooye

Caydiid Ali
Taboola Ads ---