Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Feejignaantii ugu sareysay oo la geliyay guud ahaan gobollada Mareykanka (Sawirro)

Dhamaan 50-ka gobol ee Mareykanka iyo magaalada caasimadda ah ee Washington D.C ayaa ku jira xaalad feejignaan ah, sababo la xiriira cabsi laga qabo in ay rabshado ka dhashaan dibad-baxyo Axadda maanta ah u qorsheysan taageerayaasha madaxweyne Trump.

Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in bannaanbaxyadani ay socon doonaan illaa Arbacada soo socoto oo ku beegan caleema-saarka madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden. FBI-da ayaa ka digtay in qaar badan oo ka qeybgali doono bannaanbaxa ay yihiin kuwo hubeysan.

Gobollada Michigan, Virginia, Wisconsin, Pennsylvania iyo Washington ayaa u yeeray ciidamada militariga ee loo yaqaano Ilaalada Qaranka si ammaanka loo adkeeyo.

Magaaladan caasimadda ah ee Washington D.C, kumanaan ka mid ah ciidanka Ilaalada Qaranka ayaa lagu soo daadiyay si ay amiga u ilaaliyaan, sidoo kale dhagxaan waaweyn ayaa lagu xiray waddooyinka gala Koongareeska iyo aagga loo yaqaano National Mall ee bartamaha magaalada.

Xaaladdan feejignaanta ah ee la geliyay guud ahaan gobollada Mareykanka ayaa ka danbeysay, kaddib marki muddo hadda laga joogo 10 maalin ay taageerayaasha Trump xoog ku galeen xarunta Koongareeska.

Arrintaas ayaa keentay in Aqalka Hoose uu mar kale xil-ka-qaadis ku sameeyo madaxweyne Trump oo lagu eedeeyay inuu isaga soo kicyay kuwii xoogga ku galay dhismaha Capital Hill ee magaalada Washington.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Ruushka oo xoojiyey duqeynta ay ku hayaan caasimada Ukraine ee Kyiv (Sawirro)

Caydiid Ali

Kawaanka Hilibka ee Wardhiigley oo lagu wareejinayo Ganacsato laga iibsaday ! (Sawirro)

Cabdi Cade

Milatariga Israel oo ku kacay fal caro badan abuuray iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---