Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Deni oo ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasada Somalia iyo Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyey munaasabad tababar loogu soo xiray ciidamo ka tirsan Booliska Puntland ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasada dalka

Hadaljeedintiisa Madaxweynuhu wuxuu kusoo qaatay dhacdooyinka amniga lidiga ku ah iyo deganaanshaha ee ay geystaan siyaasiyiin dano kale leh, isago xasuusiyey in nidaamka Xisbiyada badan  loo hirgeliyay in Siyaasiyinta kii dood qaba uu aragtidiisa ku gudbiyo.

“Waad ogtihiin Nidaamka Xisbiyada waa la furay, ninkii siyaasiyan dood qaba, waxaa loo furay Membaro ay ka hadlaan, 10 urur siyaasaded baa jira, qofkii aragti siyaasadeed qaba xor buu u yahay, laakiin waxaan marna la aqbali karin nin dhahaya waxbaan ka mudaharaadaya oo laamiyada gubaya oo baabi’inaya oo taayiro qarxinaya, oo dano kale leh, wax la aqbali karo maaha. Ciidanka Booliiska  waxaa larabaa dadkaasi inay gacan ku dhigaan oo Cadaaladda horgeeyaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa u digey dadka caadeystay iyagoo fulinaya dano siyaasiyiin meelo kale jooga inay kiciyaan bulshada iyagoo  bulshada u adeegsanaya si khaldan.

“Dadka waayadan danbe caadeystay iyagoo dano Siyaasiyiin meelo kale jooga ka fulinaya, inay dadka kiciyaan, Booliiskaan booliiskii hore waa ka duwanyahay waxaa dacwad lagugu soo oogaya meelkasta oo aad joogto oo danbi ku gashid, Facebook xitaa hadda danbi ku gashid danbi baarayaashu waa kusoo qabanayaan, danbigu maaha kan banaanada lagu qabto keliya, haddaa Facebook-ga kacdoon, kicin, dil iyo belaayo ka shaqeysid ogow cadaaladda Puntland waa ku arkeysaa, ama Magac gabdheed Facebook-ga saarso ama mid odeyeed saarso adey kuu taalla waa lagu soo qabanaayaa” ayuu yiri Deni

Xaaladda Soomaaliya ay marayso, wuxuu Madaxweynuhu sheegay in Puntland Dowlad iyo shacaba ay mar walbo u taaganyihiin sidii loo sixi lahaa nidaamka siyaaasiga ah ee Soomaaliya, iyo in loo baahan yahay in Dowladdnimada Soomaaliya wixii lagu heshiiyo la illaaliyo, sida loo illaaliyo in Puntland Doorashada Madaxweynaha la qabto 8-da January.

“Waxaan har iyo habeen u taaganahay Soomaaliya sidii loo sixi lahaa nidaamkeeda Siyaasiga ah inaan gacan ka geysano, Laakiin waxaan marna Madax iyo Shacabka reer Puntland aan suuragal ka aheyn, Wadada Soomaaliya lagu soo celinayo intii la qaloociyo la yiraahdo iska sabra dalku haadaan ha ku dhacee taas ma suuragaleyso, wixii aan u aragno iney khaldanyihiin waa sheegaynaa,  waxaan rabnaa dalkan marbuu khaldamay, burbur galay, dadkiisu isnaceen, kala irdhooben,  waxaan rabnaa inuu si sax ah u dhismo,  mar danbe maamulka Dowladded ama kan Puntland ha ahaado ama kan Soomaaliyeed in uusan burburin” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Madaxweynayaasha Puntland waxaa la doortaa 8-da January, taasi waxay ku timi shacabka Puntland oo illaaliyey wixii lagu heshiiyey, Soomaaliya waxaa la rabaa Dowladdnimadeedana wixii heshiiska lagu yahay in lawada illaaliyo oo marxaladda hadda ee kufaa kaca ah in laga baxaa la rabaa, caqabaduhu waa imanaayaan, maxaa yeelay dal kala tegay weeye in loo dul qaataa la rabaa,  waxaa la rabaa si sax in lagu saxo, waxaan aad u rajeynayaa in Soomaaliya illaahay idinkiis 2021-da  isbedel wanaagsan oo loo naaloodo, oo mustaqbalka loo aayo,  oo deganaasho iyo horumar horseeda inuu ka dhacaa illaahay idinkii rajeynayaa” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

https://youtu.be/urL5wYhqyq0

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Weeraro Qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhigyo ciidan

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo la kulmay Rooble, una gudbiyey liiska xubnaha..(Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo soo saaray Amaro cusub oo la xariira..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---