Allbanaadir.com
NEWS

Miinooyin la sheegay in laga keenay Eritrea oo Muqdisho laga soo dejiyay iyo cida lala beegsanayo oo …

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho kusoo badanayay qaraxyada miinooyinka soo boodada ah ee la dhigo hareeraha wadooyinka, waxaana miinooyinkan siyaabo kala duwan loogu beegsaday masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowlada.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in dhawaan garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde qeybta Afisiyooni laga soo dejiyay miinooyin badan oo laga keenay dalka Eritrea.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in miinooyinkan oo ah nuuca gaadiidka kusoo booda loogu tala galay sida uu tilmaamay in lagu beegsadao siyaasiinta iyo saraakiisha ka aragtida duwan Madaxweyne Farmaajo.

”Saraakiil ku sugan garoonka diyaaradaha waxay sheegeen maalmo kahor in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde qaybta Afisyoone laga dajiyay kartoomo ay ku jiraan MIINOOYINKA SOO BOODA oo laga keenay dalka Eratareeya. Ayna suurogal tahay in loo adeegsado shirqoolo ka dhan ah siyaasiinta iyo saraakiisha ka aragtida duwan MW Farmaajo, waxaan ku talinayaa in la isjiro, foojignaan dheeri ahna la muujiyo, si hanbada hartay looga badbaadiyo halaaga MW Farmaajo la maaganyahay!” ayuu yiri Mahad Salad.

Dowlada Soomaaliya ayaana wax jawaab ah ka bixin hadalkan kasoo yeeray Xildhibaan Mahad Salaad oo katirsan siyaasiyiinta Mucaaradka, mana jiro cid kale oo xaqiijisay jiritaanka warkan ku aadan in miinooyin laga keenay Eritrea Muqdisho laga soo dejiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo safar aan la shaacin ugu ambo baxay Dalalka Kenya iyo ….

Cabdi Cade

Farmaajo oo lagu Cadaadinayo ka hadalka hal arin oo Caqabad weyn ku noqotay

Cabdi Cade

Maxkamad la soo taagay 17 nin oo loo heysto kufsiga gabar 11 jir ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---