Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haween garsoore ka ahaa Maxkamad sare oo saakay toogasho lagu dilay (Sawirro)

Kooxo hubeesan ayaa saakay toogasho ku dilay labo haween ah oo garsoore ka ahaa maxkamada sare ee dalka Afgaanistaan , waxaana weerarkan uu cabsi badan ku beeray garsoorayaasha maxkamadaha dalkaasi.

Afhayeen u hadlay maxkamadda sare ee dalka Afgaanistan ayaa sheegay in labada haween la toogtay xili ay saarnaayeen gaari kuna sii jeeday shaqadooda, waxaana baxsaday ragii hubeesnaa ee weerarkaasi fuliyay.

Weerarkan haweenkan garsoorayaasha ah lagu dilay ayaa ka dhacay deegaanka Qala- Al- Fathullah oo ka tirsan magaalada Kabul, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyadda weerarkan lagu dilay garsoorayaasha.

Dalka Afgaanistan ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusii kordhaya weerarada lagu beegsanayo dadka magaca leh sida Wariyaasha, dadka u ololeeya xaquuqda aadaha iyo sidoo kale shaqaalaha dowlada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorasho iska soo horjeeda oo ka dhacday Muqdisho iyo DF oo go’aan laga sugayo

Cabdi Cade

Golaha Aqalka Sare ee Somalia oo ka hor yimid qorshaha Trump ee Bariga Dhexe (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---