Allbanaadir.com
NEWS

Weerar Lagu dhaawacay Taliyihii Ciidamada Danab iyo saraakiil kale oo ka dhacay Tixsiile 

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in saakay aroor hore weerar qaraxyo ku bilowday lagu qaaday kolonyo gaadiid ah ay la socdeen saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa Ajaaniib ah.

Saraakiisha oo ka baxay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday xerada Bali-Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa weerar kadis ah la kulmay xili ay marayeen agagaarka deegaanka Tixsiile .

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid kamid ah gaadiidkii ay la socdeen saraakiisha ciidanka, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo halkaasi ka dhacday.

Sida ilo lagu kalsoonaan karo noo xaqiijiyeen weerarkan waxaa ku dhintay askar katirsan ciidamada Danab , waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay Taliyaha ciidamada Danab Beeryare iyo saraakiil kale oo la socotay.

Dhaawacyada saraakiisha ciidamada milatariga ayaana la keenay magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Xalane oo lagu daweenayo, lamana oga halka uu gaarsiisan yahay dhaawacyada taliyaha Danab iyo saraakiisha kale.

 Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xabaal wadareedyo lagu aasay boqolaal qof oo laga helay gobolka Rakhine (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku xiray Wariye Caan ah oo iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Q/M oo fariin adag usoo diray Madaxda Soomaalida

Cabdi Cade
Taboola Ads ---