Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo Balan qaad u sameeyay Madaxda Bangiyada dalka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la qaatay madaxda Bangiyda dalka oo uu ku dhiirrigaliyay kaalinta wanaagsan  ay kaga jiraan horumarinta dhaqaalaha dalka.

Kulanka Ra’isul Wasaare Rooble la yeeshay Madaxda Bangiyada dalka ayaa looga hadlay horumarka dhaqaalaha dalka iyo doorka muhiimka ah ee ku leeyihiin Bangiyada casriga ee Soomaaliya ka shaqeeya.

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda Bangiyada u ballan qaaday in xukuumaddu uu hogaamiyo u fududeyn doonto howlahooda shaqo ,si dhaqaalaha dalku u hormaro kaalin weyna ka geestaan bangiyada.

Soomaaliya ayaa waxaa xiligan kusoo badanaya bangiyo casri ah oo bixiya adeegyada bangiyada caalamka oo kale, waxa ayna Bangiyada dalka kaalin muuqata ka qaateen horumarka dhaqaalaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo 3 cisho fasaxday shaqaalaha rayidka ah & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Dowlad ku sifowday Islaam naceyb oo burburisay Masaajid dhisnaa Boqol sano ka badan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Qaraxyadii saaka ka dhacay Baraawe & Al-Shabaab oo War ka soo saartay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---