Dowlada Kenya ayaa si adag uga falcelisay hadal kasoo yeeray Gudoomiyaha magaalada Mandheera Cali Rooba oo sheegay in wadooyinka magaalada Mandheera 50% ay maamulaan dagaalyahanada Al Shabaab .
War kasoo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha Kenya ayaa waxbo kama jiraan loogu tilmaamay warka kasoo yeeray Gudoomiyaha Mandheera Cali Rooba, waxa ayna dowlada sheegtay in Al Shabaab aysan maamulin Mandheera iyo deegaanada ku dhaw dhaw.
“Inkasta oo ay caqabado jiraan taas ugu wacan marinnada Al Shabaab ee xuduudka, Mandheera gebi ahaanba ma ahaan meel uu cadowga joogo si ka duwan hadalka Cali Rooba” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaarada Arimaha gudaha Kenya.
Dowlada Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka shaqeeneyso xaqiijinta amaanka magaalada Mandheera iyo deegaanada hoostaga oo mararka qaarkood ka dhacaan weeraro Al Shabaab geestaan.
Hadalkan kasoo yeeray dowlada Kenya ayaa imaanaya xili Gudoomiyaha Mandheera shaaciyay in Al Shabaab inta badan maamulaan wadooyinka Mandheera ayna saameyn ku yeesheen Waxbarashada ,amaanka iyo horumarka deegaanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com