Allbanaadir.com
NEWS

R/Wasaare Rooble oo Amar siiyay qaar kamid ah Wasaaradaha Xukuumada (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaaradaha Caafimaadka, Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Biyaha iyo Tamarta, Kallaameysiga iyo Khayraadka Badda iyo xarunta Warbaahinta Qaranka.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawllaha kor-joogteynta ee lagu la socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dowladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howllaha hor-tebinta leh ee hay’adaha dowladda u yaal.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xarumaha wasaaradaha uu booqday kulamo kula qaatay wasiirrada iyo wasiir ku-xigeennada, waxa uuna wasiir walba ka xog-waraystay qorshayaashii u degsanaa iyo soo gudbinta barnaamijka Xukuumadda ee boqolka maalmood ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha iyo golihiisa Wasiirrada.

Xarumaha Warbaahinta Qaranka ee kormeeray Ra’iisul Wasaaruhu ayuu ku boggaadiyey shaqaalaha iyo maamulkooda howllaha muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed u hayaan ee la xariira wargelinta, wacyi-gelinta iyo isku xirka dowladda iyo shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey shaqooyinka ka socda Wasaardaha, waxuna faray in gacanna loogu adeego shacabka, gacanna doorasho lagu galo, si aysan u hakan shaqooyinka socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Balli-dhiig iyo Madaxweyne Biixi oo ka hadlay

Cabdi Cade

Madaxtooyada Puntland oo lagu soo dhaweeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur (Sawirro)

Cabdi Cade

Dayuurado isku qarxiyey dhismayaal ku yaalla Ruushka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---