Allbanaadir.com
NEWS

Qatar oo qaaday talaabo dharbaaxo ku ah dalalkii carbeed ee xiriirka u jaray

Dowlada Qatar ayaa amar ku bixisay in badeecadaha ay soo saaraan dalalka Sucuudiga, Imaaraat-ka, Baxrayn iyo Masar ee lagu iibinayo dukaamada waawayn ee dalkeeda gabi ahaantood ba dhulka la dhigo.

Wasaaradda dhaqaalaha Qatar ayaa warbixin ay soo saartay ku amar ku bixisay in badeecadaha afartaa dal laga soo dhoofiyo, oo dhamaantood ku dhawaad sanad ka hor xidhiidhka u jaray dalkaa yar ee Gacanka ku yaal, dalka laga mamnuucay.

Dalalkaasi markii ay xiriirka u jareen Qatar waxay sheegeen in ay ahayd tallaabadaasi mid ay kaga fal celinayeen taageerada maaliyadeed ee ay sheegeen in Qatar siiso mitidiinta Islaamiyiinta ah iyo xidhiidha dhaw ee ay leedahay Iran.

Qatar waxay kaga gaashaamatay cunaqabataynta dhaqaale ee ay afartaa dal ku soo rogeen, hantideeda badan iyo badeecadahii ay ka joojiyeen oo ay ka soo waaridatay Turkiga iyo Iran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Faransiiska oo Hub iyo Saanad milatari u dirtay dalka Ukraine

Cabdi Cade

Dowlada oo War kasoo saartay Doorashada Jubbaland iyo Liiska Odayaasha soo xulaya …

Cabdi Cade

Burundi oo shaacisay khasaaraha kasoo gaaray Weerarkii Al Shabaab iyo askar nolosha …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---