Allbanaadir.com
NEWS

Waa Maxay Sababaha Fashiliyay Dib U Doorashadii Xasan Sheikh Sanadkii 2017kii?

Sanadkii labaad oo lagu qabtay dalka gudahiisa doorashada madaxweynaha ayaa xaqiijisay in xitaa dimuqraaddiyada daciifka ah ay dhali karto isbeddel siyaasadeed haba yaraadee.

Doodda maqaalka waa falalka sababa guuldarrada madaxweyne xilka haya. Maqaalku kama doodi doono saamaynta shisheeyuhu uu ku leeyahay doorashada dalka.

February 8, 2017 waxaa tartanka madaxweynaha u soo istaagay 21 musharrax oo badankoodu ku haray yoolkii (10% cod) lagama maarmaanka u ahaa codbixinta wareegga kowaad ee doorashada. Loollanka waxaa ku soo baxay: Xasan Sheikh Maxamuud (88), Maxamed Cabdullahi Farmaajo (72), Shariif Sheikh Axmed (49) iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke (37). Mar kale waxaa caddaatay in hayb qabiil aysan waxba ku ool.

Sideedaba, ma sahlana in laga guuleysto musharraxa xilka haya. Waxuu la tartamayaasha kale dheer yahay: magac, khibrad siyaasadeed, helitaanka adeegyada ilaha dowladda, dhaqaale iyo malaysi guul (presumption of success). Balse waxaa horyillay Xasan Sheikh saddex xaaladood oo saameyn taban leh: (1) Hay’ado daciif ah oo ka dhashay xukuumad saldhiggii la’; (2) Musuqmaasuq ragaadiyay qaranka; iyo (3) Maqnaasha caddaalad madax-bannaan.

Doorashada 2017kii waxaa ka muuqday dhowr shay oo sababay guuldarradii 2012kii ee Shariif Sheikh Axmed sida: (b) Kala jabka koox xil wada hayay (madaxweyne, ra’iisulwasaare iwm); (t) Sanadka doorashada oo lagu dhaqaaqo ficil abuuri kara qalqal dastuur.

Dabcan, dibudhacii doorashadii la filayay August 2016kii ayaa abuurtay walaac ah in nabad iskugu wareejiyintii xilalka dastuuriga ah uu qasmay. Sidoo kale safarkii JigJigga oo loo arkay qab-jab iyo meel ka dhac qaran ayaa kordhiyay ku qanacsanaan la’aanta shacabka madaxweynaha xilka hayay.

Haddana Madaxweyne Xasan Sheikh waxuu u ekaa mid shaxda dagaal ee ololihiisa aan la loodin karin. Haseyeeshee, qiimeynta isku dhafan ee dhaxalkiisa waxay noqotay arrinta qeexday doorashadii 2017kii. Himiladiisii isbeddel doonka ahayd waxaa raamsaday mooshin iyadoo hannaankii doorashayooshinka loo arkay rimmi-gacmeed (electoral manipulation).

Somali’s President Hassan Sheikh Mohamud (C) is escorted as he leaves the meeting session for the 28th Ordinary Session of the Assembly of the Heads of State and the Government of the African Union in Ethiopia’s capital Addis Ababa, January 30, 2017. REUTERS/Tiksa Negeri – RTX2YVV5

Su’aasha madaxa dadweynaha ka guuxaysay ayaa ahayd, yaa u roon dalka inuu hoggaamiyo marka loo eego xaaladda markaas taagnayd? 

Sida qaalibka ah, haddii madaxweyne xilhaya uu la tartamayo qof haybad leh amase halyey ah (wadani) waxuu halis u yahay inuu ciriirigalo. Walow dib u doorashada uu maareynayay Faarax Cabdulqaadir oo ahaa naqshaqeyihii ololihii bulshada (grassroot campaign) ee guulshii 2012kii, haddana Farmaajo waxuu ka faa’iideystay niyad jabka sii kordhiyay iyo bulshada oo u aragtay wadani (halyey) isbeddel curi kara.

Si kastaba ha ahaate, waxaa markale caddaatay in lacagta oo lama huraan u ah ololaha doorashada aysan ahayn cunsurka keligii ee guusha dhalin kara. Taas waxaa daliil u ah in si lama filaan ah Farmaajo ugu guuleystay 184 cod, halka Xasan Sheikh uu helay 97 keliya.

Inkastoo doorashada ay ka fogayd hannaanka qof iyo cod, haddana dareenka bulshadda waxuu saameeyay haba yaraatee xildhibaannada damiirka leh iyo kuwa musharraxoodu ku hungoobeen wareegga kowaad, kuwaas oo laaluush ka doortay danta dadka. Halkaas waxaa ku hirgashay oraahdii Salaad Cali Jeelle ee lahayd “beeso waa qaadasho.”

Fursada guusha Farmaajo waxaa kor u qaadday ololaha dhaleecaynta faragelinta Itoobbiya. Isku soo wada duub, arrimahaas ayay u muuqdaan inay gacan ka geysteen sababta madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu u lumiyay kursigii madaxtinnimada.

Adkeysiga dadka Soomaaliyeed waxuu mar kale marqaati ma doonto u noqday in qiyamka dimuqraaddiyada uu ka hirgeli karo dalka. Balse, weli waxaa maqan Dastuur haga xisbiyo siyaasadeed oo xasilloon, si loola dagaallamo musuqmaasuqa, sinnaan la’aanta iyo saboolnimada dalka ka jirta.

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim

F.G Qormadan kama turjumeyso aragtida Shabakada Allbanaadir , waxa ayna gaar u tahay qaraha ku saxiixan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Heyadda Amnesty oo eedeymo adag u jeedisay Maamulka Puntland

Caydiid Ali

Akhriso :Shan qodob oo ay maamul gobolleedyada ku diidan yihiin wada shaqeynta Dowlada Dhaxe

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Kheyre oo dhax galay Dhalinyarada Caabudwaaq Su’aalana uga jawaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---