Wax-barashada heerka sare inta badan waxaa lagu gaaraa nafhurnimo, dadaal iyo ka go’naansho. Kuwa kasoo qalin-jebinaya waxaa loo arkaa halyeeyo naftooda iyo dadkooda usoo hooya guul muuqata. Balse hadda arday walba oo kasoo qalin-jebiya heerka jaamacadda, laguma tilmaami karo halyay mutaclim ah. Taas waa marka aynu fahamno in jaamacad walba aysan qeyb ka ahayn xaqiijinta yoolkaas.
Jaamacaduhu aalaaba waxaa loo fishaa meelaha ugu waaweyn ee lagu rumeeyo riyooyinka nolosha iyo xaqiijinta himilooyinka. Adduun lacageed ayaa uga baxa ardayda aqoon-doonayaasha ah – iyaga oo bixinaya waqti iyo tamar nafhurnimo leh si ay u dhigaan diiwaan iyo taariikh cusub.
Balse in kale ayaa sidooda oo kale heli kara fursadaas –iyaga oo u maraya hab iyo dariiq kale oo ka fudud kana gaaban. Uma baahna inay xaadiraan fasallada, joogteeyaan casharada ama ay u fariistaan imtixaanaadka. Waxa kaliya oo ay u baahan yihiin waa bixinta lacag adag si ay u iibsadaan shahaadooyinka ugu sarreeya heerka tacliinta sare. Jaamacadaha bixiya wax-barashada online-ka waxay hadda u muuqdaan kuwo magac-uyaal ah oo aan lahayn mabaa’di dhaqan jaamacadeed. Waana mid dunida oo dhan ay ka muujinayaan walaac xoogan.
Barmaamij dokumentari ah oo ay al-Jazeera ka diyaarisay qaadashada shahaadooyinka been-abuurka ah ayaa daahrogay xaqiiq qaraar badan oo dunida oo dhami la fajacday halkaas oo jaamacado sheeganaya inay bixiyaan koorsooyin online ah ay suuqa madow ku iibiyaan shahaadooyin ay ku qoran yihiin ku dhawaad kulliyad kasta iyo laamaheeda oo qofkii soo dalbada loogu dhigayo magaciisa.
Shirkadda Axact oo ah mid kamid ah shirkadaha ugu waaweyn dhinaca IT-ga dalka Pakistan, sidoo kalana sheegata inay tahay tan dunida oo dhan ugu weyn ayaa la ogaaday inay hosting ama hoy u tahay kala bar jaamacadaha sheegta inay bixiyaan koorsooyin online ah dunida oo dhan.
La-yaabka jira ayaa ah in jaamacadahani aysan lahayn xarumo ay ku bixiyaan wax-barashada ama xattaa macalimiin u diiwaan-gashan. Si howlgalkoodu ugu muuqdo dhab iyo run-la-mood, waxay ardayda iska diiwaan-gelisa qaarkood u diraan casharro ku saabsan qeybta ay ka doorteen kulliyadaha jaamacadda. Mararka qaar, wax ku jaban malahan inaad la sameyso wada-xaajood toos ah adigoo weydiisanaya inaad u baahan tahay shahaado jaamacadeed xattaa haddii aysan aqoontaadu gaarsiisneyn heer jaamacad.
Mana ahan oo kaliya degree-ga hore iyo kan labaad ee shahaadada jaamacadda. Xattaa marqaatiga ugu sarreeya ee pHd ayay ku siin karaan. Waxa kaliya oo kaa hor istaagi kara hanashada shahaado jaamacdeed, marka la joogo dunida jaamacadaha online-ka ah, waa lacag oo kaliya.
Dad badan oo cilmi doonayaal ah waxay si fudud ugu dhaceen dabinka ay dhigteen jaamacadahaas. Balse qaar kale ayaa ogaal uga doontay shahaado been abuur ah si ay u helaan shaqooyinkii ay rabeen. Mana ahan xirfadlayaasha caadiga ah ee bulshada katirsan. Kuwa jagooyin muuqda ka haya dowladaha ayaa soo galaya liiska kuwaas oo qaarkood wasiirro iyo xil-dhibaan ay soo doortaan dadkooda ka ah waddamada ay u dhasheen.
Dowladda Maraykanka waxay sheegtay in jaamacadaha sheegta inay bixiyaan wax-barasho iyo shahaadooyin online ah inay dhaceen adduun dhan 140 milyan oo doolar. Qaar badan waxay ka dhigeen xubeer fara maran. In kalana waxay soo hor istaajiyeen fadeexo iyo ceeb.
Balse walaaca ugu daran wuxuu yahay sida laga yeeli doono dadka shahaadooyinka ka qaatay jaamacadahaas kuwaas oo kaalmo muhiim ah kaga jira howlaha qaran iyo kuwa heer bulsho ee waddamadooda lagana yaabo in si buuxda loogu aaminay mas’uuliyad aysan aqoon buuxda u lahayn gudashadeeda. Waxaana ku jiri kara dhaqaatiir sameeyana qaliimada kala duwan iyo injineerro dhismaha guryaha iyo waddooyinka loo xilsaaray.
Si kastaba, tani waxay bar madow ku noqoneysaa halganka iyo dadaallada ay bixiyaan jaamacado badan kuwaas oo jiilka ay soo saarayaan marinaya tijaabo adag kahor inta aysan guddoonsiin marqaatiga jaamacadda.
Qore: Zaki Hiraale.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com