Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhul-gariir Khasaare xoogan geystay oo ku dhuftay Jasiirada Sulawesi (Sawirro)

Ku dhowaad 40 qof ayaa dhimatay in ka badan 600 oo kalena way dhaawacmeen ka dib markii saaka dhulgariir cabirkiisu yahay 6.2 uu ku dhuftay Jasiiradda Sulawesi ee dalka Indonesia.

Xudunta dhul gariirku oo ahaa magaalada Majene, iyadoo ay ku barakaceen ugu yaraan 15,000 kun oo qof, waxaana la sheegay inay jiraan dhismayaal ku burburay dhulgariirkaasi, sida Isbitaal, kaasoo ay ku hoos jiraan bukaanno ah iyo dhaqaatiir iskugu jira.

Hay’adda musiibooyinka ayaa sheegtay in hotello iyo xafiiska ku yiillay Galbeedka Sulawesi ay soo gaareen waxyeello, sidoo kalena adeegyadii korontadana ay waxyeelo xoogan soo gaartay.

Wadooyinka qaar iyo buundooyin ayaa sidoo kale waxyeelo soo gaartey taasoo caqabad ku noqoneysa howlaha gurmadka ee la doonayo in jasiiradaas la gaarsiiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ilaaladiisa oo Howlgal lagu dilay

Caydiid Ali

Diyaarad hub sida oo ka degtay Israel iyo Masuul sare oo booqanaya dalkaasi

Cabdi Cade

Ammaanka Ra’isul Wasaare Rooble oo la adkeeyay iyo Ciidamo cusub oo loo geeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---