Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Dagaal ka dhacay duleedka Muqdisho iyo taliska Booliska oo ka hadlay

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan dagaal saacado socday oo maanta degaanka Jasiira ee duleedka Magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Maleeshiyo hubeysan.

Dagaalkan ayey wararku sheegayaan inuu bilowday markii ciidamada Haramcad ay weerareen isbaaro gaadiidka looga qaado lacago oo maleeshiyada u tiilay degaanka Jasiira.

Dadka degaanka Jasiira ayaa sheegay in saacado badan maanta lagu dul dagaalamay, aysana guryahooda ka soo bixin intii uu socday dagaalka.

Ugu yaraan saddex askari oo midkood uu sarkaal ahaa ayaa lagu dilay dagaalkaas, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo sidoo kale waxaa Khasaare uu soo gaaray maleeshiyadii jidgooyadu u tiilay inkastoo aan tirakoob laga heynin.

Afhayeen Booliska Somalia Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in goobtii lagu dagaalamay ay caawa joogaan ciidamada Haramcad, isla markaana laga eryey meleeshiyadii joogtay, hase ahaatee warar madax banaan ayaa sheegaya in ciidamada Haramcad ay ka soo baxeen degaanka Jasiira, dibna ugu soo laabteen Muqdisho markii uu soo gaaray khasaare xooggan.

Degaanka Jasiira oo duleedka Muqdisho ayaa mudooyinkan waxaa ku soo batay isku dhacyada dhexmara ciidamada dowlada iyo Maleeshiyaadka hubeysan ee halkaas ka qowleysta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamadda Racfaanka oo go’aan kasoo saartay dambiyo lagu soo eedeeyay labo Agaasime guud hore

Cabdi Cade

Tartan Orodo xiise badan oo lagu qabtay Jidka Maka Al-Mukarama & madax ka qeyb qaadatay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Siyaasi Warar Been abuur ah laga faafiyay oo si arxan daro ah loo dilay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---