Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka K/Galbeed oo beeniyey qoraal si weyn u qabsaday Baraha bulshada

Masuuliyiinta Madaxtooyada maamulka K/Galbeed ayaa beeniyay qoraal lagu faafiyey baraha bulshada oo looga been abuurtay Madaxweynaha maamulkaasi Cabdicasiis Laftagareen

Qoraalka oo si baahsan u qabsaday baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha maamulkaasi uu caddeeyay inuusan qaban doonin Doorasho aan loo dhameyn.

Waxaa qoraalka lagu xusay oo kale in Maamulka Koonfur Galbeed uu ka laabtay go’aankii xukuumadda ee ahaa in Doorasho la aado.

War kooban oo kaasoo baxay Madaxtooyada K/Galbeed ayaa lagu caddeeyay inaysan waxba ka jirin qoraalkaasi oo uu yahay mid la been abuuray.

Beeninta ayay dadka la socda Siyaasada Somalia ku tilmaameen iney ka dhigan tahay in Maamulka Koonfur galbeed uu qabanayo doorashada xubnaha aqalka sare.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA LA BEENIYEY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse Barre oo ka hadlay muhimada uu leeyahay qorshaha NTP (Sawirro)

Caydiid Ali

Rag Shabaabnimo lagu eedeeyay iyo Qaraxyo la qabtay oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Qatar oo la sheegay in Hargeysa lagu xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---