Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Muxuu Jen. Odowaa ku soo arkay furumaha dagaalka ee gobolka Sh/hoose?

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa booqday furimaha hore ee dalka iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga dalku ku leeyihiin gobolka Sh/hoose.

Gen. Odawaa oo la hadlay qaar ka mid ah ciidamada ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, ilaa buu yiri laga ciribtirayo kooxdaasi.

“Waxaa farxad gaar ah inoo ah booqashada iyo u kuur-gelidda Xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada Furinta jooga, waana sii wadi doonnaa baacsiga iyo cirib tirka khawaarijta” ayuu yiri taliyaha ciidanka Xoogga

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in wada shaqeyn fiican ay ka dhexeyso ciidamada xoogga iyo shacabka ku nool gobolka Shabeellada hoose, taasoo uu sheegay in loo baahan yahay xoojinteeda.

“Waxaan muddo asbuuc ah kormeer ku soo marnay Difaacyada Ciidanka ay ku suganyihiin ee Gobalka Shabeellaha Hoose, Sidoo kale waxaa wax lagu farxo ah Wada shaqeynta iyo kalsoonida ka dhaxeyso Ciidanka iyo Bulshada” ayuu yiri Taliyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Garoonka Aadan Cadde oo laga hir geliyay xarun laga helo adeegyada dowladda hoose (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo la wareegay Xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble iyo Shaqaalaha oo loo diiday in ay …

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar xoogan ku qaaday Ciidamo Mareykan iyo kuwa Soomaali ah oo ku sugnaa ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---