Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Shacabka Uganda oo u dareeray doorasho natiijeeda la sii ogyahay

Shacabka Uganda, ayaa maanta u dareeray Doorashada guud ee dalkaasi oo ay ku soo dooranayaan Madaxweynaha talada haynaya shanta Sano ee soo socota.

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka dalka Uganda, gaar ahaan goobaha ay ka dhacayaan Codbixinta Doorashooyinka Madaxtinimada dalkaasi.

Madaxweynaha hadda haya talada dalka Uganda Yoweri Museveni oo 30 sano hayay Madaxtinimada dalkaasi ayaa weli doonaya inuu tartamo oo uu ku guuleysto, waxaana la tartamaya Bobi Wine oo ah heesaa caan ah oo ka tirsan baarlamanka dalkaas.

Goobo kala duwan ayaa la dhigay Sanaadiiqda codbixinta, waxaana halkaasi lagu arkayaa shacab u taagan inay dhiibtaan codadkooda.

Ciidamo badan ayaa la dhigay goobaha codbixinta Doorashada ay ka dhaceyso oo amniga si weyn ayaa loo adkeeyay.

Uganda ayaa laga cabsi qabaa in ay lugaha la gasho khalalaaso siyaasadeed, xili muran xoogan uu ka taagan yahay doorashada dalkaasi.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb & Odayaasha dhaqanka Galmudug oo..

Caydiid Ali

Ciidamada Xoogga dalka oo Weeraray fariisin ay lahaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab

Caydiid Ali

Dayuuradaha dagaalka Itoobiya oo ku biiray dagaal dhexmaraya Liyu Boolis & Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---