Waxaa sii kordhaya dilalka qorsheesan ee magaalada Muqdisho ka geesanayaan kooxaha biskooladaha ku hubeesan xili magaalada ay ka howlgalayaan ciidamo cusub oo loogu tala galay in amaanka xaqiijiyaan.
Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa duhurnimadii maanta Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka qeybta Cabdulle Shideeyaha waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ah oon wali la ogeyn waxa uu yahay.
Dilka waxaa geestay dhalinyaro biskoolado watay kuwaa goobta ka baxsady markii ay dilka fuliyeen, waxaana goobta dilku ka dhacay daqiiqado kadib soo gaaray ciidamo katirsan Nabad sugida oo halkaasi howlgalo ka sameeyay.
Ciidamada amaanka gaar ahaan Nabad sugida ayaa la sheegay in Suuqa ka qabteen dad ay tuhmayaan, waxaana mudo daqiiqado ah hakad galay ganacsiga qeybo kamid ah Suuqa Cabdulle Shideeyaha.
Dhinaca kale kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ahaa sarifle, lamana oga sababta kooxaha hubeesan u dileen ninkaasi shacabka ah.
Inta badan waxaa gacanta laamaha amaanka ka baxsada raga hubeesan ee dilalka ka geesta magaalada Muqdisho , waxaana dilalkan imaanayaan xili ciidamo badan oo sugaya amaanka lagu arkayo magaalada Muqdisho.
 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com