Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kumanaan ka tirsan ciidanka Ilaalada Qaranka Maraykanka oo la geeyey Washington (Sawirro)

Ciidanka Ilaalada Qaranka Mareykanka oo tiradooda lagu qiyaasay 10 kun askari ayaa  ku qulqulaya Washington, DC si ay gacan uga geystaan ​​sugidda ammaanka ka hor munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha la doortay Joe Biden oo la qaban doono 20-ka bishan Janaayo.

Go’aanka uu qaatay Xoghayaha Ciidamada Mareykanka Ryan McCarthy ayaa ku soo aadaya iyadoo FBI-da ay ka digtay banaanbaxyo hubeysan oo la qorsheynayo in lagu qabto Washington inta lagu guda jiro xaflada dhaarinta ee 20-ka Janaayo.

Arbacadii la soo dhaafay, boqolaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha Donald Trump ayaa isku dayay dhismaha Capitol iyadoo Congress-ka uu ku guda jiray si loo caddeeyo guushii Biden, waxaana ku naf waayey shan qof.

Trump oo xilka ka degaya ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo labo jeer dacwad xilka xayuubin ah uu Aqalka Wakiillada Maraykanku ku soo oogo, iyadoo xilligan lagu eedeeyey inuu kiciyay kacdoon ka dhan ah dowladda Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imaam Masaajid oo lagu dilay Mareykanka iyo lacag lagu bixinayo helida xogta dilaaga

Cabdi Cade

Somaliland oo eryeysa ajaaniib boqol ka badan & sababaha ka dambeeya

Caydiid Ali

Taliyihii Ururka 164 ee Danab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Aboorey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---