Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka arrimaha dibadda DF oo kulan la qaatay Xildhibaan Ilhaan Cumar (Sawirro)

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamed C/risaaq Maxamuud, ayaa aaladda fogaan arragga kaga qeybgalay kulan ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen, machadka Nabadda Mareykanka iyo safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Maxamed C/risaaq Maxamuud oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in ka qeyb galayaasha kulanka uu siiyay warbixin ku aadan dib u habeynta ajendayaasha qaran iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka.

“Waxaan warbixin kooban ka siiyay xaaladda siyaasadeed, tan amni iyo dib u habeynta agendiyaasha qaranka iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha,” ayuu ku qorey Twitter-ka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in kulan miro dhal ah lala yeeshay, Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga iyo taageerada Mareykanka ee Soomaaliya.

Mareykanka waxaa uu ka mid yahay dalalka taageera dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo dhismaha ciidanka xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Uhuru oo ka digay in lasoo faragaliyo siyaasada arimaha Gudaha Kenya

Cabdi Cade

Meydka Nin si xun loo dilay oo saakay lagu arkay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Caan ah oo wax ka badaley magaciisa hadal heyn badan oo ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---