Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xildhibaanada Congreska Maraykanka oo xilkii ka xayuubiyey Madaxweyne Trump

Xildhibaano Dimoqoraadi ah oo gaaraya 222 iyo 10 ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee madaxweynaha ayaa Haa ugu coddeeyay mooshinka lagu dalbay in xilka looga qaado madaxweyne Donald Trump, halka 197 dhammaantood ah Jamhuuri ay diideen mooshinkaasi.

Dacwaddan xilka ka xayuubinta ayaa timid toddobaad ka dib markii koox careysan ay xoog ku galeen xarunta Aqalka Wakiillada Maryakanka, xilli ay socotay ansixita guushii Joe Biden uu ka gaaray doorashada. 5 qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhacay Aqalka Congress-ka.

Madaxweyne Trump ayaa isagu toddobaadkan sheegay in khubadii uu u jeediyay taageerayaashiisa toddobaadkii hore ka hor inta aysan galin gudaha Aqalka Wakiillada ay khudbadaasi ahayd mid sax ah.

Nancy Pelsoi, afhayeenka Aqalka Hoose oo codeyntaas kadib warbaahinta la hadashay ayaa tiri. “Maanta, qaab ay labada xisbiba kuwada jiraan, wuxuu Aqalka hoose muujiyay inaanu jirin qof sharciga ka sareeya, xitaa madaxweynaha Mareykanka.”

Go’aanka Aqalka hoose ayaa loo gudbin doonaa golaha Senate-ka, laakiin golahani ma bilaabi doono maxkamadeynta dacwaddan kahor 20-ka Janaayo, marka Joe Biden uu qabto xilka madaxweynenimada, taasoo la micno ah in Trump uu ka badaabdi doono in si ceeb ah xoog looga saaro Aqalka Cad.

Trump ayaa goor danbe wajihi doono maxkamadda Senate-ka, waxaana haddii dacwaddan lagu helo laga mamnuuni doonaan inuu mar kale soo haweysto kursiga madaxtinimada sannadka 2024.

“Donald Trump wuxu istaahilay inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay taariikhda Mareykanka ee xambaara dacwad xilka xayuubin ah laba jeer,” sidaas waxaa yiri Senator-ka Dimuqraadiga ah Chuck Schumer, oo toddobaadka danbe noqon doona hoggaamiyaha Senate-ka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo labo jeer dacwad xilka xayuubin ah uu Aqalka Wakiillada Maraykanku ku soo oogo, iyadoo xilligan lagu eedeeyey inuu kiciyay kacdoon ka dhan ah dowladda Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh: “Waa nasiib daro weyn wixii maanta ka dhacay Garowe”

Caydiid Ali

Farmaajo iyo Rooble oo qarka u saaran iney heshiis ka gaaraan khilaafkii jiray

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Xasan Shiikh Max’uud & danjire Michael Keating? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---