Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Dowladaha Maraykanka iyo Somalia oo ka hadlay howlgal lagu dilay..

Howlgal Military oo wadajir u fuliyeen Ciidanka Mareykanka ee Afrika iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu burburiyay Xarun ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Buulo-fulaay oo ku dhow degmadda Diinsoor ee gobolka Bay.

Waxaa howlgalkaas lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo ku jiray xarunta la beegsaday sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika.

Sidoo kale waxaa la sheegay in la burburiyey fariisin ay kooxda Al-shabaab ku laheyd degaanka la weeraray

“Ma jiro khasaaro soo gaaray shacabka inta lagu jiray Howlgalka” ayaa lagu yiri qoraalada ay soo kala saareen labada dowladood oo sidoo kale sheegay iney sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah argagxisada.

HOOS KA AKHRISO QORAALADA AY SOO KALA SOO SAAREEN MARAYKANKA IYO SOMALIA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Qarax gaari laga soo buuxiyey oo ka dhacay Magaalada Alexandria

Caydiid Ali

Saddex caruur mataano ah oo laga helay cudurka dilaaga ah ee Coronavirus

Caydiid Ali

Muxuu Dhuusamareb ka doonay Ku-simaha Raisul Wasaaraha DF Soomaaliya?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---