Allbanaadir.com
NEWS

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo mar kale la kulmay Moon Jae-in (Daawo Sawirada)

 

Hogaamiyaasha Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa mar kale kulan ku yeeshay xuduuda labada dal wadaagaan, waxa ayna kawada hadleen labada hogaamiyo arimo xasaasi ah .

Kulankan ay yeesheen Kim Jong-un iyo Moon Jae-in ayaa ka dhacay  tuulada Panmunjom truce oo kutaala xuduuda labada dal, waxa uuna kulankan noqonayaa kii labaad ee yeeshaan labada Hogaamiye.

Labada Hogaamiye ayaa kawada hadlay sidii looga shaqeyn lahaa in uu dhaco kulanka Madaxweynaha Mareykanka iyo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi iyo sidii xiisada loo dejin lahaa.

Kulankan ay yeesheen Hogaamiyaasha labada Kuuriyada ayaa kusoo aadaya xili Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump dhawaan shaaciyay in uu baajiyay kulankii uu la qaadan lahaa bisha soo socota Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxamed Bin Salman oo isku dayey inuu dalka Canada ku dilo nin kasoo horjeeda !!

Cabdi Cade

Boliska iyo Nabad sugida DF oo war ka soo saaray shaqaaqadii ka dhacday Siinaay (Sawirro)

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur “Heyadaha dowlada federaalka waxaa ka dhex socda isqabqabsi” (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---