Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

DEG DEG: Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Itoobiya Seyoum Mesfin oo la dilay

Ciidamada Itoobiya ayaa shaaciyey in howlgal ka dhacay gobolka Tigray ay ku dileen masuuliyiin uu ku jiray Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda dalkaas, Seyoum Mesfin.

Taliyaha ciidanka Xoogga Itoobiya Jen. Tesfaye Ayalew, ayaa sheegay in Seyoum Mesfin lala diley Asmelash Woldeselassie oo ka tirsanaa madaxda Baarlamanka Itoobiya iyo Abay Tsehaye, Wasiirkii hore ee Arrimaha Federaalka Itoobiya.

Jen. Ayalew ayaa intaa raaciyey in sidoo kale la qabtay 5 rayid ah iyo saraakiil hore oo ciidan, isagoo xusay iney sii wadi doonaan howlgalada ka socda Tigray ee ka dhanka ah TPLF, “Waxaa lagu amray iney isa soo dhiibaan, balse wey diideen iska caabin ayeyna sameeyeen” ayuu yiri taliyaha.

Seyoum Mesfin ayaa ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya, xilligii Ciidamada Itoobiya gudaha u soo galeen Soomaaliya dhammaadkii sanadkii 2006, wuxuu door weyn ku lahaa hagida siyaasada arrimaha dibeda ee Itoobiya iyo ciidamadii uu dalkaas u soo diray Somalia, isagoo ka mid ahaa xubihii ugu tunka weynaa ee dowladii Ex-RW Meles Zenawi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Muuse Biixi oo la caweeyey shacab isugu soo baxay Hargeysa

Caydiid Ali

Sheekh Caan ahaa oo lagu dilay degmada Baled Xaawo iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo si weyn loogu soo dhaweeyay Asmara (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---