Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

(Akhriso) Puntland oo Maamul KMG ah u magacowday Magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr – 02, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo

Markuu tixgeliyey: talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey :-

  1. Waxaa Maxamuud Cabdinuur Aadan loo magacaabay Guddoomiye kumeel-gaar ah ee Degmada Gaalkacyo
  2. Waxaa Shaafici Cabdullaahi Xaashi loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeen kumeel-gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo
  3. Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

= DHAMMAAD =

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Sababta Abwaan Sangub loogu aasay Itoobiya

Cabdi Cade

Taliska Booliska Somaliland oo ka hadlay sababta loo xiray fanaanad Ugbaad aragsan

Caydiid Ali

Shirkadda Facebook oo dhowaan howlgelineysa adeeg cusub oo u gaar ah..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---