Waxaa maanta xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho lagu dhaariyay Wasiiradii uu dhawaan soo magacaabay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya marka laga reebo Wasiirka Warfaafinta oo dalka dibadiisa ku maqan.
Goobta lagu dhaarinayay Wasiiradan cusub waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, labadiisa kuxigeen iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.
Wasiiradan maanta la dhaariyay ayaa isugu jiray Wasiiro, Wasiiro kuxigeyno iyo Wasiiru Dowlayaal, waxa ayna xubnahan la dhaariyay kamid noqonayaan Xukuumada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Kheyre.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman kula dardaarmay Wasiirada la dhaariyay in ay u dhega nuglaadaan la xisaabtanka guddiyadda Baarlamanka ay ku sameynayaan xubnaha golaha Wasiirrada.
Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre ayaa 24-kii bishan soo dhameestiray Wasiiradii Xukuumadiisa ka banaanaa, waxaana Wasiiradan oo gaaraya 13-Wasiir 12-kamid ah yihiin Xildhibaano katirsan golaha Shacabka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com