Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

DEG DEG: Qarax ka dhacay Magaalada Laas-caanood iyo Khasaare ka dhashay

Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, qarax ayaa caawa ka dhacay magaaladaas, kaasoo khasaare nafeed geystay.

Qaraxan oo loo adeegsaday bam gacmeed ayaa la soo sheegayaa in lagu weeraray xarun Somaliland ka samaysay magaalada oo loogu tala galay diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha Somaliland.

Wararku waxay intaas ku darayaan in qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha Laascaanood, uu burbur u geystay xaruntii diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Somaliland, waxaana ku dhaawacmay askar ka tirsan ciidamada Maamulka oo xaruntaas ilaalo ka hayey, kuwaasoo loola cararay goobaha Caafimaadka.

Waxaa halkaas isku gedaamay ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland oo baaritaano wada.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa oo cabsi ku abuuray shacabka magaalada Laas-caanood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad ka laabatay Xukun dil ah oo horey loogu riday Nura Xasan oo dishay…

Cabdi Cade

Jadwalka iyo habraaca doorashada kursiga HOP039 oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada Weerar kale oo ka dhacay gudaha Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---