Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qaarajiyey howlgal ka dhacay degmada..

Ciidanka Xoogga dalka oo maanta howlgal ka sameeyay tuulooyin hoos yimaadda degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay iney burburiyeen saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka, Howlgalka waxaa lagu dilay mid kamid ah saraakiisha sare sare oo ka tirsan Alshabaab kaasoo ciidanka soo bandhigeen meydkiisa inkastoo aysan magaciisa sheegin.

G/dhexe Maxamed Dheere oo ah taliyaha ururka 49-aad ee ka tirsan qeybta 43aad ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo haleelay gaariga uu la socday oo ku sii jeeday deegaanada howlgalada ay ka socdeen.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgaladii maanta ay kula wareegeen tuulooyin ay ka mid tahay Kormari iyo qaar kale, iyagoo xusay in howlgalku uu weli socdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo war ka soo saaray duqeyn uu ka geystay gobolka Jubada hoose

Caydiid Ali

Donald Trump oo cafis u fidiyay Dambiilayaal badan uu ku jiro Steve Bannon

Cabdi Cade

Nabadoono lafahooda kala baxsanaya Kismaayo & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---