Allbanaadir.com
NEWS

Ciyaartoy ka qeyb gashay Tartankii Dowlad Goboleedyada oo Maxkamad loogu hanjabay

Magaalada Muqdisho waxaa dhawaan lagu soo gabo gabeeyay tartanka kubadda cagta ee Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ka qeyb galeen ciyaartoy kala duwan oo ka kala yimid gobolada dalka.

Tartanka intii uu socday waxaa ka qeyb galay ciyaartoy deegaan ahaan kasoo jeeda maamulka Somaliland kuwaa oo badankood tartanka ku matalayay xulka kubada cagta Puntland.

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha Soomaaliland Cabdirashiid Ceydiid Yaasiin ayaa sheegay in sharciga la horgeyn doono ciyaartoyda kasoo jeeda Somaliland ee tartankaasi ka qeyb gashay.

Waxa uu sheegay Agaasimaha in dambiile qaran u aqoonsanayaan cid kasta oo magac aan aheyn kan Soomaaliland uga qeyb gasha tartan , waxa uuna xusay in kaliya lagu cafin karo in Madaxweynaha cafis ka dalbadaan.

Cabdirashiid Yaasiin ayaa cadeeyay in Hay’adaha Amniga Soomaaliland iyo Xeer ilaalinta ay u gudbiyeen magacyada Ciyaartooydaas, isla markaan markii ay dib ugu soo laabtaan degaannada soomaaliland la xiri doono lana soo taagi doono  Maxkamad.

Ciyaartow kasoo jeeda deegaanada Somaliland kana qeyb gashay tartankii gobolada Somaliland ayaa ka qeyb galay tartanka ciyaaraha Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay ku guuleesteen xulka kubada cagta ee Gobolka Banadair.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiliga codka kalsoonida loo qaadayo Golaha Wasiirada cusub oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo la kulmay Mr. Josep Borrell iyo Wafdi sare oo uu horkacayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Meydadka 39 qof oo laga helay gaari xamuul ah Magaalada Essex (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---