Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaankii Muqdisho lagu rasaaseeyay oo dalbaday Baaris ka madax banaan Xukuumada (Akhriso)

Waxaa dhawaan ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya rasaas ku fureen gaari uu la socday Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo katirsan Xildhibaanada golaha Shacabka sidoo kale Gudoomiye u ah Xildhibaano mucaaradsan Xukuumada.

Qoraal uu Xildhibaanka u diray Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayuu kaga dalbaday in baaritaan ka Madax banaan mida laanta fulinta ama Xukuumada Soomaaliya lagu sameeyo rasaastii lagu furay.

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa qoraalka uu u diray Gudoomiyaha Golaha shacabka ku sheegay in ay jiraan ficilo qatar ah uu horey ula kulmay sidoo kale horey hanjabaadyo loogu geestay.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Xildhibaanka ku dalbaday baaris Madax banaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qaar kamid Madaxda maamul goboleedyada oo diiday Shirkii uu ku baaqay Farmaajo oo maanta…

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Khayre iyo xubno la socda oo goor dhow soo gaaray Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada kawada shirar shaki badan abuuray !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---