Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Musharaxiinta oo Warqad u diray Beesha Caalamka una gudbiyay Liiska Xubnaha…

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal dheer ay uga hadlayaan muranka ka taagan doorashada iyo Xubnaha guddiga Doorashada ee lagu muransan yahay u gudbiyay Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Musharaxiinta ayaa Qoraalka ay u gudbiyeen Beesha Caalamka ugu sheegay in wali khilaaf uu ka taagan yahay doorashada , waxa ayna tilmaameen in Madaxda Dowlada ku adkeesanayaan qabashada doorasho aan loo dhameyn oo abuuri karta khalalaase.

Qoraalka Beesha Caalamka u direen Musharaxiinta ayey ku sheegeen in xalka uu noqon karo in doorashooyinka lagu qabto hal Magaalo, sidoo kalena arrinta kuraasta soomaliland loo madax bannaaneeyo guddoomiyaha golaha Aqalka Sare cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa sidoo kale Beesha Caalamka u sheegay lana wadaagay  Liiska xubnaha ay tahay in laga saaro Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay maadaama dowladda ay dhowr jeer sheegtay iny u soo gudbiyaan.

 

Related posts

Dagaal caawa ka dhacay Dhuusamareeb xili uu ku sugan yahay RW Rooble

Caydiid Ali

Daawo Sawirro: Talyaaniga oo dib u dhis ku samayneysa Maxkamadda sare ee Dalka

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo Baaq u dirtay Beelo ku dagaalamay Deegaanka Laanqaylo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---