Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Tababare Caan ah oo diiday Bilad Sharaf uu Madaxweyne Trump siin lahaa !!

Mid kamid ah tababarayaasha ugu caansan Kubadda cagta Qaranka ee Mareykanka (NFL) ayaa sheegay in uusan qaadan doonin Biladda Xorriyadda ee bixiyaan Madaxda dalka Mareykanka , waxaana biladan tababaraha usoo bandhigay Madaxweyne Trump.

Tababare Bill Belichick oo katirsan kooxda New England Patriots ee dalka Mareykanka ayaa sababta uu ku diiday ku sheegay in uu aad uga xumaaday weerarkii dhawaan taageerayaasha Madaxweyne Trump ku qaadeen xarunta Koomgareeska Mareykanka.

Waxa uu sheegay tababarahan in uu aad ugu farxay markii loo sheegay in abaalmarintan qaaliga ah la siinayo balse hada fikirkiisa bedelay kadib weerarkii shanta qof ku dhinteen ee ka dhacay Aqalka Koongareeska ee Capitol.

“Dhowaan waxaan la ii soo bandhigay fursadda ah inaan qaato Biladda Xorriyadda ee ay madaxdu bixiyaan, taas oo aan aad ugu farxay aniga oo xushmeynaya sharafta ay xambaarsan tahay iyo aniga oo bogaadin u haya dadkii hore u qaatay,kaddib waxaa dhacay arrimihii xumaa ee toddobaadkii hore waxaana ka go’aansaday inaan ka qaadan abaalmarinta.” ayuu yiri Tababare Bill Belichick .

Abaalmarinta Xorriyadda ee bixiyaan Madaxda Mareykanka ayaa ah abaal marin la siiyo inta badan shaqsiyaadka waxyaabah muhiimka ah ee la taaban kara qabta, waxaana horey loo siiyay abaal marintan shaqsiyaad caan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo) Digniino culus oo laga bixiyey halis bilaha soo socda ku soo wajahan Soomaaliya

Caydiid Ali

Musharaxiin Digniin kasoo saaray tallaabooyin uu qaaday Madaxweyne Xasan

Cabdi Cade

Maxaa dhici kara haddii Dowladda Ruushku xirto shidaalka iyo gaaska ay soo saarto?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---