Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda Galmudug oo labo garab u kala qeybsamay iyo Khilaaf cusub oo soo shaac baxay

Waxaa sii xoogeestay khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee maamulka Galmudug kadib markii la isku khilaafay qaabkii loo qeyb saday Xildhibaanada lagu biiriyay Galmudug iyo wax ka badal lagu sameeyay dastuurka maamulkaasi.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi ayaa iyagu kasoo horjeestay Xildhibaanadii dhawaan lagu biiriyay maamulka Galmudug iyo wax ka bedel lagu sameeyay dastuurka maamulkaasi.

Madaxda Galmudug ayaa hada u qeyb samay labo gala oo kala ah Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa Xukuumada oo hal dhinac ah iyo sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo iyana dhinac ah.

Waxaa maanta magaalada Cadaado oo horey xarun ugu aheyd Galmudug gaaray Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi.

Labadan Masuul oo Cadaado si weyn loogu soo dhaweeyay ayaa halkaasi uga dhawaaqay in aysan aqoon saneyn Xildhibaanada cusub ee lagu daray Baarlamaanka Galmudug, waxa ay sidoo kale kasoo horjeesteen Dastuurka wax laga bedelay.

Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in uu aqoonsan yahay kaliya 89-Xildhibaan ee horey u laheyd Galmudug, waxa uu sidoo kale kasoo horjeestay Dastuur la sheegay in lagu ansixiyay Dhuuso Mareeb.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa dhankiisa ugu baaqay Madaxda dowlada Federaalka iyo Beesha Caalamka in ay soo faro galiyaan khilaafka ka dhax taagan Madaxda maamul Galmudug.

Magaalada Cadaado oo horey loo shaaciyay in ay tahay xarunta Baarlamaanka Galmudug ayaa la filayaa in Madaxdan saldhigtaan, halka Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa Xukuumada iyaguna saldhig u ah magaalada Dhuuso Mareeb.

Khilaafka ka dhax aloosan Madaxda Galmudug ayaa salka ku haya Xildhibaanadii lagu biiriyay Glamudug oo cadaalad loo qeybin iyo sidoo kale Madaxweyne Xaaf oo Dastuurka wax ka bedelay waqti dheeraad ahna ku darsaday mudada xil heyntiisa.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha khilaafkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Khayre oo soo gebagebeeyey booqashadii uu ku joogay dalka Qadar (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka DF oo dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwo kalena nolol ku qabtay

Caydiid Ali

Midowga Afrika oo War kasoo gaaray guulo waa weyn oo ay gaareen Ciidanka Xoogga Dalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---