Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo kamid noqonaya Booliiska AMISOM oo imtixaan laga qaaday

Ciidamo iyo saraakiil booliis oo la doonayo in ay kamid noqdaan booliiska AMISOM ee ka howlgalaya gudaha Soomaaliya ayaa imtixaan af iyo mid qoraal ah looga qaaday dalka Uganda.

Grace Turyagumanawe, oo ah agaasimaha Howlgalka nabadda Ciidanka Uganda ayaa sheegay in 326 askari oo katirsan booliiska Uganda laga qaaday Imtixaan kala duwan ay u galayaan kamid noqoshada booliiska AMISOM.

Waxa uu sheegay sargaalkan in askartii ku guuleesata imtixaanka laga qaaday in loo diri doono gudaha Soomaaliya si ay uga mid noqdaan ciidanka booliiska AMISOM ee taageera booliiska Soomaaliya.

Ciidankan imtixaanka laga qaaday ayaa kuwii guuleesta mar kale la bari doonaa sida loo kaxeeyo gaadiidka ciidanka sida uu sheegay Aderemi Adeoye,, oo ah isku duwaha Mashruuca taageerrada Nabadda ee qeybaha kala duwan ee Midowga Afrika.

Soomaaliya waxaa hada ku sugan ciidamo katirsan booliiska AMISOM oo ka kala socda wadamo kala duwan, ciidankan iyo saraakiishooda ayaana booliiska Soomaaliya ka taageera dhinaca tababarada iyo sidoo kale amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin si arxan daro ah Muqdisho ugu dilay Labo caruur ah oo Xaaskiiisa dhashay

Cabdi Cade

Ma doonaysaa in caruurtaadu bartaan Quraanka, Higaada, caqiidada islaamka & Salaada inta lagu jiro wakhtiga Summer-ka

Cabdi Cade

In ka badan 40-Xildhibaan oo maanta qaatay Shahaadada Xildhibaanimo (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---