Allbanaadir.com
NEWS

Guri uu leeyahay Najib Razaq oo laga helay lacag dhan 28 malyan oo doolar

Ciidamada booliiska dalka Malaysia ayaa howlgal gaar ah ay ka fuliyeen guri uu leeyahay Ra’isul Wasaarihii hore ee dalkaasi Najib Razaq waxa kusoo qabteen lacag gaareysa  28 malyan oo doolar.

Booliiska oo baaritaano ku sameenayay guriga Ra’isul Wasaarihii hore ee Malaysia ayey ku heleen boorsooyin ay ka buuxaan lacago Malaayiin Dollar ah oo yaalay qeybo kamid ah Guriga Najib Razaq.

Ciidamada booliiska ayaa baaritaano ku wada guryo uu leeyahay Ra’isul Wasaarihii doorashada looga guuleestay ee Najib Razaq, waxaana loo heestaa masuulkan horey malaayiin Dolar uu musuq maasuqay inii uu xilka hayay.

Najib Razaq ayaa horey loogu soo eedeeyay in uu musuq maasuqay lacag dhan $700 milyan doolar, waxaana baaritaano lagu sameeyay intii uu xilka hayay lagu waayay eedeyntaasi.

War kasoo baxay Xisbiga uu ka tirsanyahay R/Wasaarihii hore ee Malaysia ee Umno ayaa sheegay in lacagta la heley ay ahayd mid loo uruuriyay ololihii doorashada, kana soo hartay markii Najiib uu ku guuldaraystay doorashada.

Najiib Razaq ayaa ka cawday in ciidankii galay gurigiisa ay ka cuneen shukulaato iyo cuntooyin kale, taasna waxa ay keentay in dadka isticmaala baraha bulshada ay ku yaboohaan raashiin la geynayo saldhigyada booliiska Malaysia.

Baaritaano horey loogu sameeyay guriga Najib ayaa lagu soo helay lacago aad u badan iyo Dahab qaali ah, waxaana dowlada cusub ee Malaysia dib u furtay kiiska dacwadaha la xiriira Musuq maasuqa ee loo heesto Najib Razaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Telfoon kula hadlay Dhigiisa Kenya iyo waxyaabihii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Iran oo hakisay heshiiskii Nuclearka, 60 cishana u qabatay reer Galbeedka

Caydiid Ali

Marwada 1aad ee dalka oo dhagax dhigtay Mashruuc laga hirgelinayo Baraawe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---