Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah Waxgaradka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee xiligan ka taagan doorashada Soomaaliya iyo kulamo uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.
Boqorka ayaa sheegay in khilaafka doorashada ka taagan kala hadleen Madaxda a Jubbaland iyo Puntland, waxa uuna xusay in Deni iyo Axmed Madoobe ka aqbaleen in laga wada hadlo khilaafaadka jira ee ka dhashay qaabka ay xukuumaddu u wajahayso.
“Waxaa nasiib wanaag ah inaan labada madaxweyne aan si gaar ah ugala hadalanay, waxaa ay ballan qaadeen in ay diyaar u yihiin sidii ay wax u qabsoomi lahaayeen, wixii madmadow ah ee jirana sidii meesha looga saari lahaa, ra’iisalwasaaha laftirkiisa teleefan ayaan iskula hadalnay,” ayuu yiri boqor Burhaan Boqor Muuse.
Boqor Burhaan ayaa sidoo kale sheegay in kulan Madaxweynaha Soomaaliya kula qaatay Muqdisho kala hadlay arinta doorashada , waxa uuna cadeeyay in Madaxweynaha u sheegay in diyaar u yahay qabsoomida doorasho xasilooni ku dhacda.
” Waxaan soo arkay madaxweynaha dowladda federalka Maxamed Cabdillaahi Farmaajo Muqdisho ayaan ku kulanay, waxaan kawada hadalanay wadankaan iyo sidii uu horay ugu socon lahaa, waxaana uu ballan qaaday inuu diyaar u yahay sidii ay doorashadu u qabsoomi laheyd oo waddankuna horay ugu socon lahaa” ayuu yiri Boqor Burhaan.
Ugu Dambeyn Boqor Burhaan ayaa ugu baaqay Dowlada Federaalka, Madaxda maamul goboleedyada iyo dhamaan inta ay quseyso doorashada Soomaaliya in laga shaqeeyo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho raali laga wada yahay kuna dhacda jawi xasiloon.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/u-F_4zBARak