Allbanaadir.com
NEWS

Jawaari oo maanta oo kale loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka & Fashilka ku yimid Jadwalka

Doorashada Soomaaliya ayaa dib uga dhacday waqtigii horey loogu heshiiyay in ay ku qabsoonto, walina ma cada xiliaga ay bilaaban doonaan Doorashada Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka.

Jadwalo ay horey usoo saareen Guddiga Doorashooyinka lagu murasnsan yahay ayaa fashilmay , Xukuumada Soomaaliya ayaana marar badan ku cel celisay in doorashada si deg deg ah loo guda gali doono.

Afar sano kahor maanta oo kale 11-ka bisha Janaayo waxaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya loo doortay Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka guuleestay musharaxiintii la tartantay.

Waxa ayna dad badan oo Soomaaliyeed filayeen in afar sano kadib maanta oo kale Soomaaliya yeelan doono Gudoon iyo Baarlamaabnka cusub, hasa ahaatee wali taasi ma muuqato waxaana wali shaqeenaya Gudoon iyo Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa hada ka taagan khilaaf xoogan oo ka dhashay guddiga Doorashada oo u badan hal dhinac, waxa ayna Musharaxiinta Madaxweyne iyo maamul goboleedyada qaar kasoo horjeedaan sida dowlada u wado doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/u-F_4zBARak

Related posts

Duulimaadyadii Somalia ee ay xayirtay Kenya oo xeelad cusub loo helay & Farmaajo oo..

Caydiid Ali

Golaha Amaanka ee QM oo War ka soo saaray heshiiskii laga gaaray doorashada Somalia

Caydiid Ali

Israel oo caro & cambaareyn caalami ah kala kulantay dilka shaqaale samafal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---